(Tehraan) 03 Jan 2020 – Wasiir Dibadeedka Iiraan, Mohammad Javad Zarif, ayaa cambaaraysay weerar cireed lagu khaaraiyey Taliyihii Ciidamada Gaarka ah ee dalkaasi ee Quds, Qassim Soleimani, oo uu ku tilmaamay argagixiso caalami ah, isagoo ka digey cawaaqibka wax uu ku sheegay “tacaburka foowdada ah ee Maraykanka.”
Weerarka Maraykanka ee lagu diley Sulaymaani oo ka dhacay Baghdad International Airport ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay taliye sare oo Ciraaqi ah oo la yiraahdo Mahdi Al Muhandis.
War uu ka soo saaray khaarajinta Soleimani, Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan Aayatullaah Ali Khamenei ayaa ka digey “inuu aarsi darani sugayo kuwa uu gacmohooda dhiiggu ka da’ayo” isagoo sheegay inay Tehraan sii jibaarayso iska caabintii ay ka waddey gobolka.
Wasiirka Gaashaandhigga, Amir Hatami ayaa isna ku gooddiyey “aarsi wax burburinaya” oo looga dhiidhinayo dhimashada Soleimani.
“Waan ka aarsan doonnaa dhamaanba cid kasta oo ka mas’uul ah khaarajintiisa,” ayuu yiri Hatami.
Mohsen Rezaee, oo xubin ka ah gole la taliya Khamenei isla markaana ah Sarreeye Guud ka howlgay Ciidamada Ilaalada Jamhuuriga ee Iiraan (IRGC), ayaa isna si aad ah u gooddiyey.
“Shahiid [#Qasem Soleimani]… wuxuu ku biiray shuhadadii la dhalatay, balse si wayn baan uga aarsan doonnaa Maraykanka,” ayuu Twitter-ka kusoo xarriiqay.
Arrintan ayay u badan tahay inay cakirto xaaladda awalba murugsanayd ee gobolka, iyadoo la fili karo wax kasta, gaar ahaan dagaallo wakaaladeed ama xitaa kuwa toos ah iyo duqaymo kale.
The US’ act of international terrorism, targeting & assassinating General Soleimani—THE most effective force fighting Daesh (ISIS), Al Nusrah, Al Qaeda et al—is extremely dangerous & a foolish escalation.
The US bears responsibility for all consequences of its rogue adventurism.
— Javad Zarif (@JZarif) January 3, 2020
Hadalsame Media