(Milano) 03 Jan 2019 – Waxaa qabsoomay shirka jaraa’id ee Ibrahimovic, kaasoo dib ugu soo laabtay naadiga AC Milan.
Halkan maku faraxsan tahay? “In badan. Ma jiro qof 38-jir ah oo ay abid Milan soo iibsatey. Haddii aan naadi noocan oo kale ah imid micnuhu waa inaan weli wax muhim ah ku tooran ahay.”
Maxaad u iman waydey sanad kahor? “Waxaan la hadlay Leonardo, balse ma dareensanayn inaan diyaar u ahay soo noqosho, waxaan ku fiicnaa Los Angeles”.
Ma laha hadashay Pioli shalay? “Shalay daqiiqado yar baan la hadlay. Wax buu ii sharraxay, anna wax baan u sheegay. Waana wada hadli doonnaa markale.”
Milan masii joogaysaa 6-da bilood kaddib? “Marna ma ogid. Haddii 6 bilood kaddib aan weli wax wanaagsan samayn karo waa joogayaa. Ma rabo inaan halkan u joogo inuu magacaygu Ibrahimovic yahay oo qura.”
Ka warran Cristiano Ronaldo oo aad is heli doonaan? “Waa wax wanaagsan inuu joogo Serie A. Kaddib waa arkaynaa waxa dhici kara”.
Hadda diyaar ma u tahay inaan ciyaarto? “Waa fiican ahay, wax badan baa tababartay. Kubad ma taabanin, balse diyaar baan ahay.”
Aragtidaada, Milan wax intan ka badan ma samayn kartaa? “Waa qaban karnaa waana inaan qabannaa. Milan qof kasta wuxuu ka sugayaa natiijo sare. Haddii aad Milan u ciyaarto mincuhu ma aha inaad nasiib leedahay ee waa inaad natiijo keentaa”
Sidee u qeexi lahayd soo noqodkaaga? “Damac wayn ayaa igu jira, kaasoo wata shucuur iyo caqliyad. Dabcan uma dheeli karo markii aan 28-jir ahaa, balse waa aqaan waxa aan samayn karo. Ma doonayo inaan baraxa ka badiyo, halkii aan ordi lahaa waxaan ka shuudi karaa 40 mitir. ”
Maxaad ka doonaysaa saaxiibbadaa? “Saaxiibaday waa i yaqaannaan, sida aan u tababarto, sida aan u dheelo. Waa inaad dadaashaa oo aad taqaannaa sida loo silco, ninkii aan aqoonin waxba faa’iidayn maayo. Wax badan baan ka filayaa saaxiibaday, wax xitaa ka badan inta ay qaban karaan, waa inay aad u dadaalaan”.
Yurub weli macquul ma tahay? “Waa inaan ciyaarba mar ka fikirnaa kaddib waa arkaynaa.”
Maxaad usoo laabatay? “Kaddib ciyaartii ugu dambaysey Galaxy, Maldini ayaa isoo wacay in yar baannu wada hadalnay. Dalabyo badan baan haystey. Waxaan sidoo kale la hadlay Boban in badan. Iguma adkayn soo laabashadu, waayo ma doonayn inaan Milan ka tago 2012-kii. Hadda waa soo noqday, waayo halkani waa hooygayga, runtiina waxaan doonayay Milan, waana jeclahay naadigan. “
Sidee u aragtaa soo dhowaynta taageerayaasha? “Waa dareemayaa xiisohooda. Waxaan la leeyahay xiriir wanaagsan. Taageeradoodu waa muhim, waayo wax bay noo sahlaysaa. Diyaar baan ahay, isla maantana waa ciyaari karaa”.
Hadalsame Media