(Tehraan) 03 Jan 2020 – Waxaa kacsan xiisadda ka dhalatay dilka khaarajinta ah ee Qaasim Sulaymaani oo lagu tilmaamo ninka 2-aad ee ugu awoodda badan Iiraan iyo Mahdi Al Muhandis.
Maxamed Marandi oo ah aqoonyahan ka tirsan Jaamacadda Tehraan oo Al Jazeera uga warramay sida uu u sawiri karo jawaabta laga filan karo Iiraan ayaa yiri:
”Anigu kuma hadli karo afka Dowladda Iiraan, balse waxaan dhihi lahaa, askari kasta oo Maraykanka ka jooga Imaaraadku inuu hadda iskaga boxo.”
”Askari kasta oo ka jooga Ciraaq iyo gobolka inay si deg deg ah uga baxaan. Kolleey anigu waa iska tegi lahaa.” ayuu daba dhigay Marandi.
Warka Marandi ayaa waxaa qaba dad kale oo aaminsan inay Iiraan Maraykanka ku dhufan doonto meel xanuunaysa, sida ay weerarto daneheeda.
Yeelkeede, Maraykanka gaar ahaan Waaxda Pentegon oo weerarka dhacay qaadday ayaa u digtey Iiraan, iyadoo sheegtay inay uga sii dari doonto haddii ay Iiraan isku daydo weerar aarsi ah.
Hadalsame Media