RASMI: Ibrahimovic oo si rasmi ah ugu biiray AC Milan & Sawirro (Lambarka uu qaatay)

0

(Milano) 02 Jan 2020 – Zlatan Ibrahimovic ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda AC Milan oo uu kusoo guryo noqday kaddib 7 sanadood.

Ibra oo saaka kasoo degey Gegada Linate Airport oo ay kusoo dhoweeyeen taageerayaal badan iyo Zvonimir Boban ayaa ishaartay lambarka 21-aad oo uu ku caan baxay Andrea Pirlo.

Ibra ayaa si wanaagsan ugu guulaystey imtixaankii caafimaadka, waxaana saxaafadda la tusayaa berri oo Jimce ah barqadii saacaddu marka ay tahay 10:00.

Hadalsame Media