”Odaygii reerkuna wuxuu ku dhintay qaraxii Sabtigii” – Imisa qof oo qoyska hooyadan ka mid ah ayaa la diley?

0

(Muqdisho) 02 Jan 2020 – Hooyo Xabiibo waxa ay Muqdisho ku weysay dadkii ey dunida ugu jecleyd aad bayna ula xanuunsaneysaa.

Hooyo Xabiibo wiilkeedii curadka ahaa Maxamed Siyaad waxaa ka dilay maxkamadihii 2006-dii.

Wiilkeedi yaraan-xigeenka ahaa Xuseen Siyaad wuxuu u dhintay rasaas ey soo rideen Al Shabaab sanadkii 2012-kii.

Gabadhii ay dhashay ee Maxamed ku xigtay Abshiro Siyaad iyada oo ku shaqeysa jaariyadnimo waxaa dilay askari Dowlada katirsan sanadkii 2013-kii.

Aabihii reerka u dhaqaaqayay marxuum Siyaad isaga oo shaqada usii socda ayuu ku geeriyooday qaraxii Ex-control Afgooye.

Waa xanuun inaad weysaa caruurtii aad in badan korineysay ee beerkada kasoo go,ay. Hadda way murugsan tahay xaaladeeda ee Ilaahey bedel khayr qaba ha siiyo. Amiin.

Xigasho: Daleel Khayrre

Hadalsame Media