Imaaraadka Carabta oo ay ku caddaatay inuu si dadban u maalgeliyo Al Shabaab (Arag sababta)

0

(Abuu Dabeey) 02 Jan 2020 – Waxaa tan iyo markii uu dhacay qaraxii Sabtigii ka dhacay Koontoroolkii hore ee Afgooye, soo baxayay warar Imaaraadka la xiriirinaya qaraxaasi.

DF Somalia ayaa iyaduna ku fashilantay inay ugu yaraan sawir ka bixiyaan sida uu qaraxu u dhacay, nooca uu ahaa gaariga qarxey, meesha uu ka yimid iyo cidda soo dirtay, taasoo sahashey in marba gees loola boodo.

Yeelkeede, waloow ay dad badani soo jeediyeen in ay Imaaraadku Shabaab neceb yihiin oo aysan isku ra’yi ahayn waxaa meesha ka saaraysa hal arrin oo iyaga caawisa oo ay Imaaraadku sameeyaan.

QM ayaa sheegtay in sanadkii tegey oo qura ay Imaaraadku iibsadeen dhuxul ku kacaysa $150 milyan oo euro, taasoo laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo oo uu maamulo siyaasi kale oo ka mid ah kuwa ay isticmaalaan Imaaraadku, isla markaana ay saami wayn oo kala bar ka badan faa’iidadeeda ku leeyihiin kooxda Shabaab.

Danjiraha Imaaraadka u fadhida QM, Lana Zaki Nusseibeh, ayaa diiddey inay ka hadasho warbixinta QM, balse waxay Reuters ugu af gobaadsatay inay “si buuxda u adeecaan” cunaqabataynta saaran Somalia.

Imaaraadka Carabta ayaa sida cad jebinaya cunaqabataynta saaran Somalia ee dhanka dhuxusho, maadaama uu aqbalay in dalkiisa la keeno dhuxusha Somalia.

Hadalsame Media