DAAWO: ”Halkani waa hooygayga had iyo jeer” – Ibra oo waraysigii 1-aad bixiyay

0

(Milano) 02 Jan 2020 – Zlatan Ibrahimovic ayaa saaka kasoo degey gegada Linate, isagoo haatan caafimaadka ku maraya La Madonnina, balse wuxuu bixiyay waraysigii ugu horreeyay.

Qannaaskan 38-jirka ah ayaa sidoo kale kasoo degey gegada Linate Airport, markii koowaad ee uu Milan kusoo biirayay 9 sanadood kahor, isagoo Rossoneri uga yimi Barcelona.

“Waxaan xusuustaa inaan halkan kasoo degey isla meeshan sanado badan kahor,” ayuu Ibra u sheegay Milan TV.

“Waxa ugu mudani waa inaan halkan joogo, aad baan u faraxsan ahay. Mar kasta ayaan sheegi jirey in halkani ay hooy ii tahay ugu dambaynna waa soo laabtay. Naadiyo badan oo kale ayaan soo maray, balse kuma laaban.” ayuu yiri.

“Ugu dambayn waa soo laabtay, igu suga San Siro oo aan doonayo inay markale farxad la bood booddo.” ayuu yiri mar la waydiiyay inuu farriin ugu tala galay taageerayaasha.

Kaddib tijaabada Madonnina wuxuu tegeyaa Milanello oo kuwo kale oo jireed looga qaadayo, wuxuuna saxaafadda la hadlayaa berri subax 10:00.

Hadalsame Media