Difaaca ka badbadiska ah ee inaan UAE ka dambaynin qaraxii Muqdisho oo tuhun hor leh keentay (Khubaro reer Galbeed ah oo difaaca kusoo biirtay!)

0

(Hadalsame) 02 Jan 2020 – Niman ku shaah caba inay yihiin khubaro daadisay arrimaha Somalia ayaa sheegay inay ka shakisan yihiin runnimada warka sheegaya in qaraxii Sabtigii ay ku le’deen dadka badani uu ka dambeeyo “dal shisheeye”, sida ay sheegtay Hay’adda NISA.

“Caddaymaha iyo raadadka goobta qaraxa laga helay wuxuu tilmaamayaa Imaaraadka iyo Maxamed Bin Zaayid,” ayuu ku bilaabmayay qoraal dheer oo uu sameeyay weriye Turki ah oo la yiraahdo Ibrahim Karagul oo ka tirsan Yeni Safak oo xiriir dhow la leh Xisbiga talada haya, waloow uusan keenin wax marqaati ah oo uu u cuskanayo in 90-kii qof ee halkaa lagu diley uu ka dambeeyo Dhaxal-sugaha Imaaraadku.

Yeelkeede, 3 nin oo sheegay inay yihiin falanqeeyayaal ku talax tegey dagaalka sokeeye ee Somalia, ayaa sheegay in ay Shabaabku kaligood falka fuliyeen, balse waxay isku dileen qaabka ay isku dayeen inay wax u difaacaan.

“Inuu Imaaraadka Carabta oo aad u neceb Shabaabku uu ku lug leeyahay bambo gaari Shabaab lasoo saaray waa mid aan aad looga yaabin,” ayuu yiri Prof Ken Menkhaus oo Maraykanka saldhigta, isagoo sheegay in Shabaabku ay khibrad ku filan u leeyihiin fulinta qaraxyadan oo aysan kaalmo shisheeye u baahnayn.

Ninkan ayaa sidoo kale daliil ka dhigay in ay Imaaraadku cambaareeyeen qaraxaasi ay al-Shabaab sheegteen kaddib markii ay 2 maalmood aamusnaayeen.

Xiriirka Somalia iyo Imaaraadka ayaa aad usii xumaaday kaddib markii ay Somalia bishii Abriil ee sanadkii 2017-kii la wareegtey $10 milyan oo kaash ah oo ay siddey dayuurad soo caga dhigatay Muqdisho, taasoo ay UAE ku doodeen inay mushahar ahaan u siin lahaayeen Ciidamo ay iyagu tababareen, taasoo lafteedu la yaab leh, maadaama aysan ogayn DF Somalia. DF ayaa ciidamadaasi oo u qaab ekaa calooshood u shaqaystayaal markii dambe la wareegtey.

Yeelkeede, taasi maaha sabab ku filan in Imaaraadka lagu eedeeyo weerarrada argagixiso ee Somalia, sida uu qabo Joshua Meservey, oo ah falanqeeye ka tirsan Heritage Foundation oo ka faalloota GEESKA, kuna sugan Washington.

“Sheegidda in uu Imaaraadku qaraxa ka dambeeyo waxaan u arkaa mid aan waaqici ahayn,” ayuu yiri Mr Meservey oo la hadlaya Nation.

“Xiriirka ay la leedahay Muqdisho waa xun yahay waqti xaadirkan. Yeelkeede, micne samayn mayso in Imaaraadku uu jaal la noqd cadowga isaga u dhaarsan ee Shabaab, gaar ahaan weerar aan faa’iido istaraatijiyadeed u lahayn Imaaraadka.” ayuu daba dhigay.

Wuxuu sheegay in warka wargayska Turkigu uu yahay mid karaamada looga qaadayo Imaaraadka oo ay Turkiga gobolka ku xafiiltamayaan, warka kasoo baxay NISA laftiisuna uu yahay mid Turkiga lagu qancinayo.

Stig Jarle Hansen, oo ah qoraa la socda taariikhda Shabaab oo saldhigta Norway ayaa eedda Imaaraadka loo jeediyay la xiriiriyay xiriirka xun ee uu la leeyahay Somalia.

Mr Hansen ayaa sheegay in UAE ay xitaa iska dhowrto inay rayidka waxyeellayso xitaa intii ay ku jirtey dagaalka Yaman. “Waxaan qabaa ma aha Shabaab,” ayuu ku dooday.

Ha yeeshee, dhamaanba 3-da nin midkoodna ma keenin difaac loo qaateen ah oo muujinaya in aan Imaaraadku shuqul ku lahayn qaraxa dhacay.

Tusaale ahaan, dad badan ayaa qaba in sheegashada Shabaabku ay noqon karto mid daneed. ”Shabaabku haddiiba ay dad baad ka qaadaan waxay taasi caddaynaysaa inay sidoo kale dowlado shisheeye lacago uga qaadan karaan inay qorshayaal u fuliyaan.” ayuu yiri nin magaciisa ku koobay Cali Xasan, isagoo raaciyay in ay sheegashada lafteeda uga dan lahaan karaan ujeeddooyin baqdin gelineed, balse aanay wax shuqul ah ku lahayn.

Sidoo kale, waloow aysan Amiirrada Khaliijku marna jeclayn wax kasta oo ku saabsan nidaam Islaami ah, misna taasi meesha kama saarin inay taageeraan dagaallada ay ka wadaan dalal kale, iyagoo taa u samaynaya dano ku dhisan inay dalalkaasi burbursanaadaan si aanay iyaga ula xafiiltamin ama ula tartamin.

Ama xitaa inay mararka qaar si dadban ugu diran yihiin danaha dalal kale, sida Galbeedka, oo duwalka Khaliijka oo ay iyagu ilaaliyaan marar badan u isticmaala fulinta ajeendayaal ay ka leeyihiin dalalka Muslimka, balse aanay doonaynin in iyaga lagu sawiro.

Tan kale, inay mar qura soo baxaan dad badan oo ay ku jiraan siyaasiyiin maxalli ah oo qaaday tillaabooyin qaar ama soo saaray warar u eg difaac Imaaraad oo lagu daro nimankan khubarada sheeganaya oo u eg qaar wada difaacaya Imaaraadka, ayay dad badani ka dhadhaminayaan inaysan ahayn waxyaabo si dabiici ah iskaga dhacaya, haddii uu lacalla Imaaraadku u baahday in ilaa heerkaas laga difaaco arrinta qaraxana ay muujinayso inay wax jiri karaan.

Hadalsame Media