Waxaa 3 qol oo isku xiga ku kala jira serfarradii bixinayay Internetka Yemen, Somaliland iyo 90% internetka Itoobiya”

0

(Jabuuti) 31 Dis 2019 – “Data Center ku yaalla Jabuuti ayaa waxaa saddex qol oo isku xiga ku kala jira serfarradii bixinayay Internetka Yemen, Soomaalilaan iyo 90% internetka Itoobiya, 99 sababood ayuu istiraatiiji u yahay horumarinta Jabuuti waxaana ka shaqeynaya Shiinaha, Mareykanku wuxuu kaliya bixiyaa kirada Saldhigga milatari ee Jabuuti ku leeyahay” Sidaa waxaa maqaalkiisa dheer ku soo koobay Max Break oo arrimaha Afrika wax uga qora Jariiradda Waashintoon Boosti.

Cutubyo ka tirsan ciidanka Shiinaha wax ay Jabuuti kaga qeyb galaeen xafladda furitaanka saldhigga cusub ee uu Shiinuhu ku yeelanayo dalka Jabuuti kaas oo noqon doona saldhigii ugu horeeyay ee ay ciidamada badda Shiinaha ku yeeshaan dal shisheeye.

Shiinuhu wax uu maalgelinayaa mashruuca dhismaha dekadda ugu weyn Afrika, wado tareen ah oo isku xirta Jabuuti iyo Itoobiya, iyo dhismaha saldhigiisii ugu horeysay ee ay dibadda ku yeeshaan ciidamada maariiniska Shiinaha.

Badda hoosteeda wax uu Shiinuhu ka dhisayaa fiilooyinkii (Keybaladii) xogaha u kala gudbin lahaa wadamada gobolka; Kenya iyo Illaa Yaman.

Shiinuhu wuxuu maalgelin ku sameeyay Afrika wax laba jeer ka badan intii uu sameeyay Mareykanka mudadii u dhexeeysay 2014-2018, Mareykanku wax uu mudadaa Afrika ku qarashgareeyay $72 Bilyan, sida ku cad taxliil ay sameysay shirkadda Ernst and Young.

Deymaha uu Shiinuhu siiyo lama socdaan shuraadaha ay reer galbeedka ku xiraan gargaarkooda sida dhowrista xuquuqda aadanaha iyo arrimaha ammaanka.

Waxaase Shiinaha lagu eedeeyaa in wadamo nugul oo soo koraya uu qoorta u geliyo deymo aynan iska bixin karin, haatan Shiinuhu wax uu deyn ahaan u leeyahay wax ka badan 70% Wax soosaarka gudaha (GDP) Jabuuti.

Madaxda Afrika ayaa inkara eedeymaha loo jeediyo maalgashiga Shiinaha ee ku aadan in ay dib ula wareegaan xarumihii ay maalgeliyeen, waxaa ugu danbeeyay meelihii ay Shiinaha dib ula wareegeen dekad Ku taalla Dalka Sirilanka.

“Haa waa run, deynta uu Shiinuhu nagu leeyahay wax ay u dhigantaa 71% wax soosaarkeenna gudaha, balse waa aynu u baahneen in naloo dhiso kaabayaashaas” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti oo horaantii bishan u waramay Max.

Qoraalkan waa qeybo kamid ah maqaal dheer oo uu Waashintoon Boost ku qoray Max Break oo aan soo turjumay.

Waxaa Qoray: Maxamed Dugoow

Hadalsame Media