DEG DEG: Dibed baxayaal Ciraaqi ah oo isku dayey inay gudaha ugu daataan Safaaradda Maraykanka ee…

0

(Baqdaad) 31 Dis 2019 – Boqollaal dibed baxayaal oo Ciraaqiyiin ah ayaa isku dayey inuu ku qamaamaan Safaaradda Maraykanka ee Baqdaad, kuwaasoo ka caraysan duqaymo uu Maraykanku u gaystey koox ay Iiraan taageerto oo Ciraaqiyiin ah oo 25 laga diley.

Dibed baxayaasha oo ku qaylinaya “Down, Down USA!” ayaa isku dayey inay gudaha ugu daataan Safaaradda, iyagoo jejebiyay xayndaabyadii gidaarka u dhowaa, dhalooyin ku tuuryeeyay, isla markaana jejebiyay kaamirooyinkii amaanka ee dibedda ku xirnaa.

Maraykanka ayaa duqaymahan gaystey Axaddii, waxayna cirka ka duqeeyeen kooxda Kataeb Hezbollah, iyagoo ka aarsanaya weerar beri dhowayd lagu diley qandaraas qaate Maraykan ah oo lagu eedeeyay madfac ay kooxdani soo gantey.

Dibed baxayaasha oo sita calamada malliishiyaadka xoogga badan ee Hashd Shaabi oo ay hoos tagaan Kataeb Hezbollah, ayaa holliyey inay fuulaan gidaaradda Safaaradda iyagoo ku qaylinaya “Dhimo Maraykanow” iyo “maya, maya Maraykan”, sida ay sheegeen dadka goobjoogga ihi.

Hadalsame Media