XOG: RW Khayrre oo Dhuusamareeb ku tegey xaalad ka duwan sidii looga bartay (Sh Shaakir oo…)

0

(Dhuusamareeb) 30 Dis 2019 – Kheyre ayaa gaarey magaalada Dhuusamareeb waxaana wehlinaya ilaalo aad u badan, Garoonka diyaaradaha iyo dhamaan wadooyinka magaalada ayaa galabta la xiray, iyadoo dhamaan la joojiyay Gaadiidka Dadwaynaha.

Sheekh Shaakir oo ka tirsan hogaamiyayaasha Ahlusunna ayaa la sheegayaa inuu galabta ka baaqdey soo dhoweynta Raysulwasaaraha.

Baaqashada ayaa waxaa loo sababeeyay kaddib markii dhamaan madaxda Garoonka tagtay lagu amray in gaadiidkooda ay kaga tagaan iridda laga galo Garoonka taasoo in cabaar ah u jirta barxada diyaaraduhu ka dagaan ee garoonka .

Kheyrre ayaa maalmo kooban joogi doona magaalada Dhuusamareeb waxaana muuqata foojignaan aan horay looga baran safarradii kuwaan ka horeeyey.

Dhanka kale, warbaahinta madaxa banaan ayaan galabta loo ogolaanin in ay wararka ka soo tabiyaan garoonka iyadoo dadka shacabka ahna aysan garoonka u tagin soo dhoweynta wafdiga sidii horayba u dhici jirtay, sida uu sheegayo weriye maxalli ah oo la yiraahdo Cabdullaahi Warsame Rooble.

Hadalsame Media