XOG: Bukaan ay xaaladdoodu halis tahay oo qaab musuq ah looga tegey! (Waa imisa tirada laga tegey?)

0

(Muqdisho) 30 Dis 2019 – Waxaa soo baxayay warar maanta soo baxayay oo sheegaya in laga tegey qaar ka mid ah dadkii garaabka ahaa ee sida ba’an ugu dhaawacmay qaraxii naxariis darrada ahaa ee ka dhacay Koontoroolkii Hore ee Afgooye.

Warar hoose oo aannu heleyno isbitaallada Muqdisho ayaa sheegaya in dadka laga tegey ee darani ay tiro ahaan gaarayaan 5 qofood waloow ay wararka qaar sheegayaan ilaa 7 qofood, kuwaasoo boosaskoodii la gashaday dad kale oo ay ka mudan yihiin, marka xaaladdooda la qiimeeyo.

Warar hoose ayaa sheegaya inay sidaa faleen qaar ka mid xildhibaannada aadka ugu qayliya inay shacabka metelaan ama u damqanayaan.

”Markii aannu waydiinney sababta dadkan loo reebayo, waxaa nalookugu jawaabey in amarku sare ka yimid.” ayuu yiri mid ka mid ah howladeennada caafimaad ee isbitaallada Muqdisho.

Wararka qaar ayaaba xitaa sheegaya in dayuuradda la saaray dad aan ku dhowaad waxba qabin, qaab loo arko musuq aad u foolxun oo damiir xumo iyo mas’uuliyad darro ah.

Dadka laga tegey ayaa waxaa la sheegay inuu ku jiro wiil yar oo ay xaaladdiisu aad u daran tahay, kaasoo horay loo sheegay inaan dalka waxba lagaga qabin karin.

War dhinacyo kale naga soo gaaraya ayaa sidoo kale sheegaya in bukaannada qaarkood oo la geeyay isbitaallo gaar loo leeyahay loo haysto biilashii lagu daweeyay, iyadoo la diidey in la qaado iyadoo aan laga bixin lacagihii lagu daweeyay.

Dadka qaar ayaa xitaa Hadalsame Media u sheegay, inay hab-dhaqan soo jireen ah tahay in markii dayuurado sidan oo kale dibedaha looga soo diro lagu dhex darsado dad aan kusoo dhaawacmin goobta markaa uu gurmadku khuseeyo, ama xitaa qaarkood ay kusoo dhaawacmeen dagaal beeleedyo meelo kala duwan ka dhaca iyo xitaa qaar buktooyin kale qaba.

DF Somalia ayaan arrintan weli wax war ah kasoo saarin ama gebi ahaanba, iyadoo la sheegay in dadka la reebay loo adeegsadey hannaanka faasidka ah ee 4.5.

Hadalsame Media