(Muqdisho) 30 Dis 2019 – Waxaa magaalada Muqdisho soo gaarey dayuurad sidda gurmad ka yimid dalka Qadar oo kasoo duulay magaalada Dooxa ee dalkaasi.
Booliiska ayaa war ay soo saareen ku yiri sidatan: ”Abaaro 2.30 duhurnimo waxaa soo dagtay diyaarad ay soo dirtay dowlada walaalaha nahay ee Qatar taasoo siday dakhaatiir iyo daawooyin.”
”Dayuuradda ayaa u timid daad-guraynta dhaawacyada waxaana haatan Garoonka Aadan Cadde ku sugan Guddiga Gurmadka dag dag uu hoggaaminaaya Wasiirka Amniga, Safiirka Dowlada Qatar, Safiirka QM, Safiir Ku/Xigeenka Midowga Africa iyo sarakiisha boliiska.”
Waa dalkii 2-aad ee soo gurmada tan iyo qarixii lagu hoobtey ee Sabtigii ka dhacay Koontoroolkii hore ee magaalada Muqdisho.
Inay dayuuraddu dad dhaawac ah u qaadayso dalka Qadar ayaan horay loogu xusin war kasoo baxay dhanka Qadar.
Dayuuradda Qadar ayaa lagu wadaa inay qaaddo ilaa 22 ka mid ah dhaawaca daran ee haray.
Hadalsame Media