Qadar oo dayuurad gargaar ah usoo dirtay Somalia

0

(Dooxa) 30 Dis 2019 – Waxaa weli soconaya gurmadka loo samaynayo dalka Somalia waxaana lasoo diray dayuuraddii 2-aad oo ka imanaysa dalka Qadar.

War lagu faafiyay dhanka Twitter-ka Sanduuqa Horumarinta Qadar ayaa lagu sheegay sidatan:

”Sida kasoo baxday Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, dayuurad ay leeyihiin Ciidamada Cirka Qadar, ayaa ka duushay garoonka, iyadoo u socota Jamhuuriyadda aannu walaalaha nahay ee Somalia oo ay gargaar u siddo.”

”Dayuuraddan Qadar ka imanaysa ayaa sidda agab caafimaad, dawooyin, gargaarka deg degga ah, taasoo ah gargaar ka timid Sanduuqa Horumarinta Qadar.”

Uma eka in Qadar loo qaadayo dad ka mid ah dhaawaca weerarkii arxan darrada ahaa ee ka dhacay Koontoroolkii hore ee Afgooye.

Hadalsame Media