(Milano) 30 Dis 2019 – Waxaa beryahan isa soo taraysa xamxamta ku saabsan inay AC Milan ka baxeeyso milkiyadda Sanduuqa Elliott Management Corporation, oo haatan iska leh naadiga Via Aldo Rossi, kaddib markii miiska la soo saaray adduun dhan 980 milyan oo euro oo uu Milan ku gorgorinayo taajirka reer Faransiis ee Bernard Arnault.
Arnault, oo ah oday dhashay 1949-kii, oo ay isku fac yihiin Jamhuuriyadda casriga ah ee China, waa ninka iska leh dalladda agabka iyo adeegga raaxada ee LVMH Luxury Group.
Waxaa sharikaadka uu kaligii leeyahay ka mid ah Christian Dior, Bulgari, DKNY, Fendi, Céline, Guerlain, Givenchy, Kenzo, Loro Piana iyo Louis Vuitton; sidoo kale saacadda TAG Heuer; dhanka waxyaabaha la isku qurxiyo sida Tiffany & Co .; dhanka sharaabka Moët & Chandon, Veuve Clicquot, Hennessy; dhanka daabacaadda Les Échos iyo warqaadka Le Parisien; dhanka suuqyada iyo silsiladaha makhaayadaha Sephora iyo Le Bon Marché.
Sida ku qoran xog qoto dheer oo lagu faafiyey ‘Corriere della Sera’, Arnault, wuxuu ku fadhiyaa adduun lacageed oo dhan 106 bilyan oo euro, wuxuu sidaa ku noqonayaa ninka 3-aad ee ugu taajirsan dunida kurawiga ah ee aannu kor joogno.
Waxaa kaliya ka hanti badan laba shakhsi oo kala ah ninka iska leh suuq-danabeedka Amazon ‘, Jeff Bezos (oo haysta 116 bilyan oo euro), iyo Bill Gates (113 bilyan), isagoo ka sarreeya rag ay ka mid yihiin Warren Buffett (89 bilyan) iyo Mark Zuckenberg (79 bilyan).
Waxaa dheer, Arnault waa ninka qura ee Maraykan ahayn ee ku jira 5-ta sare. Kaliya sanadkan 2019 ee sii haamaansanaya, wuxuu Arnault kasbaday kaash dhan 37.7 bilyan oo euro!
Haddii ay dhacdo inuu ninkan lacagtaa hayaa iibsado AC Milan, ma dhib badnaan doonto inuu soo iibsado xiddigaha ugu waawayn dunida.
Yeelkeede, Zvonimir Boban iyo Paolo Maldini oo ah maamulka farsamo ee Milan ayaa suuq-jiilaalkan raadinaya laacibiin lacag yar ku fadhiya, hannaanka FFP dartii, waana xaaladda ay haatan muquuranayso camaaliqada ciirtay ee AC Milan.
Hadalsame Media