”Jareeryohow ka deg gaariga!” – Arrin jiririco leh oo Muqdisho ka dhacday (Tillaabo la yaab leh oo laga qaaday)

0

(Muqdisho) 30 Dis 2019 – Muwaadin Soomaaliyeed oo jooga Magaalada Muqdisho oo ila soo xiriirey ayaa iga codsaday in axsaabta ku xiran Boggeygan Facebook aan kula wadaago dhacdo uu goob joog u ahaa taas oo qalbigiisa raad ku reebtay waxuuna qoraalkiisa ku bilaabay sidan:

Magaceygu waa Amiin Abdalla waxaa dhacday mudo haatan dhawr maalmood laga joogo in gaari BL ka dadweynaha aan ka raacay KM4 anigoo u socday guriga Hooyooyinka ee u dhaw tiyaatarka qaranka iyo madaxtooyada.waxaa gaariga nala saarnaa haweenay caro ama xanaaq badan ay ka muuqato, wuxuu gaarigu socdaba qof wadada taagnaa ayuu u istaagay, dabeedna wiil da’yar oo ay kamuuqatay haraad iyo daal fara badan oo shaqada xageeda ah ayaa gaariga dhinac ka qabsaday,haweeyneydii carada ay ka muuqatay oo u dhaweyd wiilka ayaa halmar qeylo afka jabsatey iyadoo ku sameysay sumcad dil iyo isirkiisa oo ay aflagaadeysay gaar ahaan waalidiintiisa“ waxaana ay ku tiri Jareeryahow duliga ah gaariga nooga dag”.

Wiilka ayaa u adkeysan waayey hadalada laba dhaca ah ee kasoo yeeraya haweeneyda waana uu u jawabay waxuuna ku yiri “Mardambe hagaarin waalidkeyga iyo reerkayga hadii kale toorey baan ku darayaa” iyo hadalo nuucaa oo kale ah ileyn haweeneydu waa laba xidigle ciidanka Boliiska Soomaaliya ka tirsan, dabeedna waxa ay si degdag ah u wacday qof an ku qiyaasay in uu ahaa wiilkeeda iyadoo u sheegtey in loo hanjabay, buuq ayaa ka dhashay halkaas rakaabkii gaariga saarnaa ayaana isku dayey in xaalada la qaboojiyo.

Marka aynu mareyno bar control oo u dhaw bacadlaha Xamarweyne ayaa gaarigii la istaajiyey waaba wiilkii ay haweeyneydu dalbatey,waxaa nalagu amrey inteenii rakaabka ahaa in aynu baaburka kasoo dagno, ka dibna rakaabkii gaariga saarnaa ayaa halmar afka furtey iyagoo sheegaya in haweeneyda Boliiska ah ay qaldantahay.

Haweeyneydii Boliiska aheyd yaa laweydiiyey bal qof ay ku kalsoontahay oo rakaabka ka mid ah in ay marqaati u qabsato islamarkiiba farta ayey igu soo fiiqday waxa ayna askartii ku tiri “ Halaweydiiyo wiilkan sida wax ay u jiraan isagaana ku qancaa hadalkiisa”.

Talyihii meesha joogay oo qof diin iyo aqlaaq ahaan u dhisnaa ayaa igu yiri ”ILLAAHAY adigoo ka baqaya eexna aadan sameyn bal sidee wax u dhaceen.” Waxaan ku iri haweeneydu waxa ay sameysay ku takri fal awoodeed wayna jirtaa in wiilka ereyada tooreyda ah uu yiri isagoon ficilna sameyn, balse waxaa intaa daboolay ereyadii xanafta lahaa oo ay u adeegsatey, waxayna ku xadgudubtey xaquuqdiisa iyo sharaftiisa iyadoo ugu hanjabtey in ay xireyso “intaa kaddib rakaabkii gaariga saarnaa oo uu ku jiro wiilkii haweeneydu ay ku xad gudubtay ayaa la sii daayey iyadiina aqoonsigeedii ayaa laga qaaday waxaana loo sheegay in sharciga la horgeynayo.

Dhacdadan oo kale marar badan ayey Soomaaliya ka dhacdaa gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyadoo ay jiraan dad awood is bida oo shaarka dawlada iyagoo gashan u awood sheegta oo dulmiya shacbiga gaar ahaan dadka masaakiinta ah waxaana haboon in dadka nuucaas ah shacbiga ay dacwado ka qoraan madaxda sare ee xukuumadana arimahan il gaar ah ay ku eegaan talaabo sharciga waafaqsana laga qaado kuwa sidaa foosha xun u dhaqma.

Xigasho: Cabdullaahi Colombo

Hadalsame Media