Jaranjarooyinka GAALAYSIINTA dadka & culimada ee dalka Somalia & cidda ka dambaysa!

0

 

(Hadalsame) 30 Dis 2019 – Bulshada somaliyeed waxay lasocotaa in manhajka gaaleesiinta lagu tijaabiyay culimada suufiyada oo taariikhda waxaa kuxusan in lashaaciyay.

1- Macallinkii isoo baray Qur’aanku khuraafi gaal ah ayuu ahaa, sidaas waxaa oranaya ardaygii uu wax baray macalimkaas,kadib markii uu waxyar oo cilmi ah kasoo bawsaday dalalka Carabta sida Sucuudiga iyo Masar.

2 – Sheekhii isoo baray kutubta iyo laqbugu mushrik, murtad ama khuraafi ayuu ahaa.

3 – Suufiyadu waa mushrikiin oo qubuuraha ayay caabudaan.

4 – Culimadii waa hore la aasay oo ku jira xabaalaha ayaa laga soo faagey qabriyadoodii, ayadoo la leeyahay mushrikiin ayay ahaayeen, balse weli madhicin in ruux siyaasi ah ama ugaas ah laga soofaagay xabaalaha.

5 – Xertii ka wax baraneeysay mawlacyada iyo masaajidda ayaa lagu asqeeyay Rasaas.

6 – Dacwa iyo diin sax ah kama jirin Somalia, kahor inta aysan imaanin Wahaabiyada iyo Salafiyada, oo dacaayaddaas weli waa ay aaminsan yihiin illaa iyo hadda.

7 – Salafiyada oo kali ah ayaa Muslim ah inta kale maahan Muslim quman.

Intaas iyo inkale oo gaaleeysiin iyo diin ka saarid ah oo aad adigu maqashay ayaa lagu sameeyay culimadii hore, oo ay aheyd in laga duceysto oo looga dambeeyo diinta, maadaama ay si nabad ah ku wadeen haddii dood loo qabana si cilmiyan ah loola niqaasho, hadda maxaa dhacay, xaalku waa kaas oo waa ka daroo dibi dhal.

Waxaa Qoray: Xasan Al Basri

Hadalsame Media