(Hadalsame) 30 Dis 2019 – Ma beensanayo haddii la yiraahdo Imaaraadkaaga soo abaabulay weerarkii Ex-Control. Sidoo kale ma beensanayo haddii la dhaho Xalane ayaa laga soo abaabulay. Si taas la mid ah ma beensanayo haddii looga shakiyo in ay weerarkaas abaabuleen oo fuliyeen hay’yado dawladda Soomaaliya ka mid ah gaar ahaan dad ku jira laamaha wardoonka.
Horay ayaa loo ogaaday in dalal shisheeye fuleen weerar kan la mid ahaa iyo kuwa kale. Qadar ayaa ka mid ah dalalka la hayo caddaynta weerarro ay gudaha Soomaaliya ka fuliyeen.
Weerarkaani waxa uu ku beegmay xilli ay kor u sii kacayaan dagaallada diblomaasiyadeed ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika. Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar waxa samaynayaan si walba oo ay ku fashil karaan saamaynta Turkiga ku yeelanayo dalal ay Soomaaliya iyo Liibiya ka mid yihiin. Turkiga ayaa la filayaa in ciidankiisa u daabbulo dalka Liibiya si u difaacaan dawladda taagta daran ee dalkaas. Taas macneheedu waa in ay foodda isdaro doonaan ciidanka Turkiga iyo kan Jeneraal Khaliifa Xaftar oo taageero abdan ka helaya Imaaraadka, Sacuudiga, Masar iyo Ruushka. Turkiga ayaa la sheegayaa in ay goor horeba Liibiya geeyeen ciidan ka mid jabhadaha dalka Suuriya oo Turkiga tababareen.
Marka, waxaa wax la filan karo in Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar bilaabeen ama fuliyaan hawlgallo ay ku beegsanayaan danaha Turkiga ee dalalka Soomaaliya iyo Suuriya si cadaadis u saaraan u na furaan dhawr aag oo Turkiga kala dagaallaan si awooddiisa u kala jabiyaan.
Waxaa Qoray: Cali M Diini
FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan
Hadalsame Media