(Abuja) 29 Dis 2019 – MW Nigeria, Muhammadu Buhari ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay dad rayid ah oo ay koox argagixiso ihi dalkiisa ku laysey, kuwaasoo uu ku tilmaamay kuwo aan ahayn Muslim dhab ah.
War uu ku saxiixnaa Garba Shehu, oo ah la Taliye Sare oo uu leeyahay Madaxwaynaha Buhari ayaa dadka dalkaasi ugu baaqay inaysan argagixisada bilaa ujeedada ah ka ogolaanin inay qaybiyaan, kaddib markii ay dadka Muslimiin iyo Masiixiyiinba leh ay dishey kooxda kooxda isku magacoowday Islamic State West Africa Province (ISWAP).
“Waxaan aad uga xanuunsanayaa dhimashada argagaxa leh ee ku baxday gacmaha ma naxayaasha, bilaa Ilaaha ah iyo gaangiskaan Islaamka magaca uga ciyaaray.” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxaa dadwaynaha loo jeediyay inaysan ku qaybsamin falka kooxda cawaanta ah oo aan metelin Islaamka iyo Muslimiinta, sida warka lagu sheegay.
Wuxuu sheegay MW Buhari in Muslimiinta dhabta ihi aysan marna dilaynin dad aan waxba galabsanin, iyagoo ku qaylinaya ”Allaahu Akbar”, maadaama ay taasi tahay shar aanu Qur’aanku marna ogolayn.
Hadalsame Media