(Hadalsame) 29 Dis 2019 – Qoraal ka yimid Nawad Hassan oo kasoo jeedo Somaliland una jawaabtay fanaan BK.
Maydkii Mogadishu weli qaar badan lama aasin, Saqiir dhintey, Hooyo Asay qaaday, walaalo tacsi ufadhiya umad dhan oo murugo iyo qalbi jab ku yahay Qaraxa soo noqnoqonaya in uu Hadalkaasi Kasoo yeedho Mohamed Saed BK aniga iguma matalo hadalkiisaas, Dadkayga Somaliland-na kuma matalo.
“Wuxuu yidhi anigu cidna kama haybadeysto. Markaasuu haddana sii yidhi haddii Muqdisho ay rabto in qaraxu ka joogsado Somaliland ha ictiraafto. Waa Fanaanka BK oo fagaare London ku yaalla ka hadlay.” Wuxuu xidhiidh ka dhaxaysiiyay ictiraafka Somaliland iyo QARAXA Muqdisho.
Umadan sinji baynu wadaagnaa Qowmiyad qudha oo isku diin ah isku dhaqan ah isku luuqad ah baynu nahay, waxaynu wada nahay Soomaali, Degaan baynu wadaagnaa, Rabi baa isku keen abuuray oo Umad mid ah inaga dhigay, waxaynu isku nahay Ehel iyo Xigaal, Walaal, Abti, Eddo, Adeer, Habaryar, Seedi, Dumaashi, Siyaasada iyo Ictiraafka la raadinayo hadii la helo intaa la isku yahay midna wax kama badali karto, waxa laysku hayo waxa laysku yahay ayaa ka weyn.
Mohamed BK Inaadeer waad Heesi taqaan balse ma Hadli taqaanid.
Hadalsame Media