”Naguma filla” – Dadwaynaha oo caro kala dul dhacay qoraal tacsi ah oo kasoo baxay MW Farmaajo (Arag jawaabaha dadwaynaha)

0

(Muqdisho) 28 Dis 2019 – Madaxweyne Farmaajo “Argagixisadu waxay u xasuuqeen shacabka cadawtinnimo ay u hayaan horumarka dalka”

Muqdisho, Diseembar 28, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ay la beegsadeen Ex-kaantorool Afgooye.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Maanta waa maalin murugo badan oo muujineysa sida argaixisadu ay bartilmaameed uga dhigteen shacabkeenna. Waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska dadkii naga shahiiday, waxaana Alle uga rajaynayaa inuu noo bogsiiyo dhaawaca.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in goobta ay la beegsadeen argagixisadu qaraxan bahalnimada ah ay muujinayso ficillada gumaadka ah ee ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u banneysteen dhiigga muwaadin kasta, iyadoo aan kala sooc lahayn.

Argagixisadu waxay saaka beegsatay arday jaamacadeed oo tacliin u kallahayay, hooyooyin iyo aabbayaal u xoogsanayay carruurtooda iyo dad aan waxba galabsan oo ku mashquulsanaa hawl maalmeedkooda.

“Cadawgan u shaqeeya fulinta hagardaamooyinka argagixisada caalamiga ah waligood hal shay oo horumar ah dalkeenna kuma soo kordhin, jid ma dhisin, isbitaallo ma hirgelin, xarumo waxbarasho ma sameynin. Shaqadoodu waa burburin iyo xasuuq. Shacabka Soomaaliyeed waa ka dharagsan yihiin dhagartooda.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda in awooddeeda oo idil isugu geyso sidii gurmad caafimaad oo degdeg ah loogu fidin lahaa dhaawacyada iyo qoysaska dhibaataysan, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda ay dhibaateeyeen cadowgu.

DHAMMAAD

Inta kaddib dadwaynihii oo aan la dhicin qoraalkan weliba soo daahay ayaa faallooyin saluug u badan uga jawaabey tacsida caatada ah ee madaxwaynaha DF Somalia.

Arag jawaabaha dadwaynaha…

Daud Ali Wakan kii wadanku ugu awooda badnaa Illah kaso kow waxan tacsiya eheena mahayo oo xitaa gobtu ama isbitalada matagi karo.

Sadiyo M Ahmed Yuu waxba warnoso farin war waxbanomataraye waxa go, ay waa dadkeniye ma awodo miyaa ino kaso boxo godka onala qeybsado xanunka ?????

Ibrahim Linklon maanta kaliyah malin murug ee markasto ayee tahay maalin murug why qarax ayaa kabixi la’nahy waliba intuu farmaaje talada hayo dadka jumlo ayee ula anayaan……..

Aweys Bulshaawe Markii Qaran masiibo ama dhibaato sidan lamid ah ay soo gaarto, madaxda wadankaas waa kuwa ugu horeeya ee dadka la hadla, u tacsiyeeya garab istaagna u muujiya kuwaada dhaawacmay iyo kuwa nool, laakiin midda Soomaaliya wey ka duwan tahay madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha maba la arko wajiyadooda markaan oo kale inta badana wey ka gaabsadaan iyadoo 100 qof ay maanta ka dhimatay dadka ay madaxda u yihiin, waxaa intaas dheer majirto cid mas’uuliyad darro darteed isku casisha!

Hamdi Godane Waad lasoo daahday mudane mdwne hase ahaate waxaan kaga fadhinaa wixii qalbiuadanadu ku qaboobi karaan.

Khaled Waaba dhafarsanyahay wlh hurdee ka kacsheen maskiinka allow alle mudane madaxweyne qaraxa wuu dhacay waana laso af jaray howshii oo dhan.

Abdihakiim Ahmed Kuluc Anibo qoral waso qori karaa mdax wynaha dad haso hor istaago ha u mujiyo inu ka xun yhy wxa dhacay haka so hor muqdo war bahinta hduu ka baqayo mida Tv qaranka haso fadhisto kdipna hka hdlo isbitalada ha boqdo.

Ibrahim Ali Madobe Aakhiro Waa lagu weydiin masuuliyada Aad Qaaday.

 

Hadalsame Media