Somalia oo Sucuudiga heshiis kala gaartey arrin dhibaato ku haysey Soomaalida (Mid weli harsan)

0

(Riyaad) 27 Dis 2019 – Xujeeyda Somalia ee Saudi Arabia u taga gudashada Xajka iyo Cumrada ayaan hadda kaddib wajihi doonin caqabadihii hore, sida ku cad heshiis ay labada dal gaareen.

Wasiirka Arrimaha Diinta ee Sheikh Mur Hassan ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in arrintaa lagu jeexjeexay laguna xalliyey kulan uu la yeeshay dhiggiisa Sucuudiga.

“Waxaannu kula heshiiney maamulka Saudi Arabia ee ka mas’uulka ah Xajka iyo Cumrada in la dhameeyo dhibaatooyinka hor taagnaa Xujeeyda Somalia,” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Sucuudigu uu sidoo kale ogolaaday inuu kordhiyo qoondada Somalia ee Xajka, si ay uga soo qayb galaan Xujeey dheeraad ihi, isagoo fududeeyay xannibaadihii safarka.

Xujeeyda Soomaaliyeed ayaa marar badan ka cowday dayacaad iyo in si liidata loola dhaqmo, taasoo ay kala kulmaan hay’aadka ku shaqada leh Xajka iyo Cumrada.

Yeelkeede, waxaa sidoo kale jira mid ay Soomaalidu mas’uul ka tahay, sida kharash dhiig miirad ah iyo dadka oo ay meel ku xirtaan dad dhex roor ah oo lacago badan ka qaata.

Hadalsame Media