(Ankara) 25 Dis 2019 – Xaaladda sii cakirmaysa ee dalkaasi Libya ayaa horseedi karta inuu Turkigu dalkaa ciidamo u diro, sida uu sheegay afhayeenka Madaxtooyada Turkiga, Ibrahim Kalin, maadaama ay Ankara heshiis dhanka amaanka ah kula jirto Tripoli, kaasoo u fasaxaya tillaabo noocan ah.
Ku lug lahaanshiyaha Turkish-ka ayaa noqon kara inuu dalkan ay dagaalladu daashadeen ka caawiyo “tababarka ciidan ama dhinacyada kale sida taageero siyaasadeed.”
Haddii ay dowladdu guddoonsato tillaabadaasi, waxay u badan tahay inay hesho codka Baarlamanka, maadaama uu aqlabi yahay xisbiga AKP ee MW Recep Tayyip Erdogan.
Todobaadkii tegey, Baarlamanka Dhexe ee Turkiga ayaa meel mariyay heshiiska iskaashiga labada dal, kaasoo uu Erdogan la saxiixday dowladda uu caalamku aqoonsan yahay ee Fayez al-Serraj oo cadaadis kala kulmaysa hoggaamiye kooxeedka Khaliifa Xaftar, dhamaadkii Nofeember.
Turkiga ayay haatan ciidamo ka joogaan dalalka Somalia iyo Qadar oo uu siiyo taageero ciidan iyo mid siyaasadeed. Dalal badan oo ay Masar ka mid tahay ayaa se ka hor jeeda tillaabada Libya.
Hadalsame Media