LA YAAB: Shiinaha oo ku tala jira inuu dib u qoro kutubta diimaha (Qur’aanka muxuu ka damacsan yahay?)

0

(Beijing) 25 Dis 2019 – Dalka Shiinaha ayaa la werinayaa inuu qorshaynayo ku dhaqaaqidda tillaabo waalli ah isagoo doonaya inuu wax ka bedelo kutubta Qur’aanka iyo Bible-ka si loo ‘waafajiyo mabaadii’da Hanti-wadaagga’ sida la yiri, jeer uu dhibaato kula kacayo Muslimiinta dalkaasi.

Dufcadaha uu doonayo inuu isagu soo saaro ayaa waxaa ka baxsan aayad iyo suurat kasta oo ka hor jeedda caqiidada Xisbiga Shuuciga ah, sida uu kashifay sarkaal sare oo ka tirsan Xisbigaasi oo xogta u dusiyay warbaahinta.

Shiinaha ayaa sidoo kale qorsheeynaya inuu aayaadka qaarkood ku sameeyo is beddel iyo dib u fasirid.

Shiinuhu si gaar ah uma carrabaabin labadan kutub ee Muslimiinta iyo Masiixiyiintu kala aaminsan yihiin, balse wuxuu Xisbigu sheegay ‘inay dib u qiimayn qoto dheer ku samaynayaan kutubta qadiimiga ah ee aanay is qaadanaynin horumarka waqtiga’, sida ay iyaga la tahay.

Amarkan ayaa la sheegay inuu soo baxay bishii Nofeembar, xilligaasoo ay kulmeen Guddiga Qoowmiyadaha iyo Arrimaha Diinta ugu qaybsan Xisbiga.

Koox ka kooban 16 khabiir, iyo wakiillo diimeed oo kala duwan oo ka socda Guddiga Dhexe ee Shuuciga ah ayaa la sheegay inay shirka kasoo qayb galeen, sida ay werisey Xinhua News Agency.

Hadalsame Media