(Tel Aviv) 25 Dis 2019 – Waxaa la sheegayaa in ay koox Yuhuud ah oo reer Israel ihi ay musaafurka Yurub u kicitimaya lacag ku siiyaan inay boorsooyinka ugu qaadaan Jaadka.
Kooxdan Israeli-ga ah oo ah dembiilayaal abaabulan ayaa se qaar badan looga qabqabtay garoomada Yurub oo qaar lagu xirey.
Waloow uu Jaadku ka mamnuuc yahay inta badan Yurub, Israel wax sharci ah kama soo saarin, waxaana si joogto ah u isticmaala Yuhuudda Yaman iyo Itoobiya kasoo jeedda ee halkaa ku dhaqan, waxaana arrintaa faa’iido ka doonay koox Yuhuud ah, sida uu sheegayo Channel 12.
Tan iyo bilowgii sanadkan, boqollaal Israeli ah, oo qaar badani yihiin kuwa kasoo jeeda qoysaska danyarta ah, ayaa la siiyay lacag u dhaxaysa NIS 2,000-5,000 oo Shekelka Israel ah ($580-$1,440) si ay Jaadka boorsooyin ugu qaadaan dhanka Yurub.
Mudadaasi waxaa la xirey 73 qof, oo qaarkood xabsiyo dhaadheer lagu xukumay. Dadka la xirey 25 waa haween, 8 waa da’yar u dhaxaysa 15-17 sano, sida la soo weriyay.
Waaxda Canshuurta iyo Booliiska Garoomada Israel ayaa ku dooday inaysan celin karin dadkaasi, maadaama aanu Israel ka jirin sharci mamnuucaya Jaadka.
Sima Duvdevani, oo ka tirsan Waaxda Wasaarad Dibadeedka Israel ugu qaybsan dadkeeda ku dhaqan dibedda, ayaa Channel 12 u sheegay inay arrintani faraha kasii baxayso oo ay kooxdani haatan shabakado ku leeyihiin ku dhowaad dal kasta oo Yurub ah.
Wuxuu Duvdevani sheegay in markii hore laba todobaad kaddib dadka la qabto loo celin jirey Israel, balse haatan tillaabooyin adag ay ka qaadaan dalalka Jaadka ku qabta.
Israel badan ayaa lagu qabtay dalalka Britain, France, Germany iyo qaar kale oo ay ku sugan yihiin Soomaali iyo qoowmiyado kale oo Jaadka isticmaala.
Wasiirka Amaanka Qaranka, Gilad Erdan ayaa haatan Wasaaradda Dhaqaalaha kala shaqaynaya sidii tahriibinta iyo soo saarista Jaadka looga dhigi lahaa sharci darro.
Hadalsame Media