(Jigjiga) 25 Dis 2019 – Bannaanbaxyo ayaa ka dhacay magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida kuwaasi oo looga soo horjeeday gubistii masaajiddada ku yaallay magaalada Mota ee Gobolka Amxaarada.
Waxaa sidoo kale dibed baxyo dhigay kumanaan Muslimiin ah oo ku nool Ethiopia oo ah dal ay u badan yihiin Muslimiintu, kaddib markii 4 masjid lagu gubey gobolka Amxaarada.
Weerarkan ayaa Jimcihii ka dhacay magaalada Motta, taasoo in ka badan 350km (217 mayl) woqooyi kaga beegan caasimadda Addis Ababa, waxaa sidoo kale la bartilmaameedsaday ganacsiga iyo meheradaha Muslimiinta, iyagoo haatan doonaya in dadkaa cadaaladda la hor keeno.
Haddaba sida ay wax u dhaceen ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Xabiib Xaaji Muxumed Yuusf oo Wasiirka Warfaafinta iyo Arrimaha Dawladda ee Ismaamulka Soomaalida. 5 qof ayay ilaa haatan ciidamadu soo qabteen.
Hadalsame Media