DAAWO: Dadka Hinduuga & Siingaha oo arrin la yaab leh u sameeyay Muslimiin dibad baxaysay!!

0

(New Delhi) 25 Dis 2019 – Maalmihii yaraa ee tegey, waxaa baraha bulshada haystey muuqaallo muujinaya dibed baxyo fara ka bax ah oo ka dhan ah Xeerka Cusub ee Dhalashada Hindiya ee CAB (Citizenship Amendment BIL).

Bale jeer uu cunfi badani halkaa ka jiro, waxaa sidoo kale dhacaya waxyaabo badan oo qalbiga diirnaya ama u roon.

Waxaa aad u faafay muuqaal lagasoo duubay meel uu dibed bax ka dhacayay, halkaasoo ay koox Muslimiin ihi u holladeen inay salaad dukadaan, waxaana Booliiska rabshadaha ka hor taga ka gaashaamaya dad haysta diimaha Hindusim iyo Sikhism, kuwaasoo gacmaha is qabsaday si ay u samayeen derbi dadwayne.

Arrintan ayaa timid mar ay dibed baxyo ka socdeen bannaanka Jaamacadda Jamia Millia Islamia University.

Dibed baxyada ayaa ka qarxey dalka Hindiya kaddib markii uu meel maray Xeerka Citizenship Amendment Bill (CAB) kaasoo uu Khamiistii saxiixay Madaxwaynaha xag-jirka ah ee dalkaasi.

Sharcigan ayaa bedelaya mid la meel mariyay 1955-kii oo la yiraahdo The Citizenship Act, wuxuuna dhalashada Hindiya u ogolaanayaa Hindu, Sikh (Siingaha), Buddhist, Jain, Parsi, iyo Masiixiyiinta kasoo carara Afghanistan, Bangladesh, iyo Pakistan, waxaana ka maqan Muslimiinta oo qura oo aan iyagu xaqaa lahayn, sida xeerkani qabo.

Dadka dibed baxaya waxaa ka buuxa kuwo aan Muslim ahayn, balse diiddan in la garab maro Dastuurka Cilmaamiga ah ee dalkaasi oo xuquuqo u ogolaanaya qoowmiyaadka iyo diimaha kala geddisan.

Hadalsame Media