Canada oo bedelaysa arrin DHIB ku haysey dad ay Soomaalidu ka mid tahay

0

(Otawa) 24 Dis 2019 – DF Canada ayaa muujisay inay ka go’an tahay inay dhaafto ama ugu yaraan aad u dhinto kharashaadka badan ee ku baxa qaadashada dhalashada dalkaasi, taasoo caqabad ku noqotay inay dad cusubi dhalasho qaataan.

RW Justin Trudeau ayaa waydiistey Wasiir Socdaalka Canada ee Marco Mendicino in uu meeshaba ka saaro kharashaadkan.

Tusaale ahaan $530 waa howl qabashada, waxaa jirta $100 oo lagu bixiyo xaqa dhalasho qaadashada, waxaa sii dheer $100 oo laga qaado qofkii ka yar 18 sanadood.

Dhalasho qaadashada qoys ka kooban 4 qof oo ay carruuri ku jirto waa $1,460 doollarka Canada ah.

Lacagahan ayaa lagu tilmaamay kuwo aan la xamili karin gaar ahaan qoysaska danyarta ah, sida ay qabto Amy Casipullai, oo reer Ontario ah qaxootiga iyo soo galootigana u doodda.

“Heerka dhalasha qaadashadu hoos buu u dhacayay beryihii dambe, waana walaac jira,” ayay tiri Ms. Casipullai.

Sida ku cad tirakoobka DF Canada, dhalasha qaadashada Canada marka la eego qofkii halkaa ku noolaa muddo 6 sanadood ah, ayaa hoos ugu dhacday 55.4 boqolkiiba 2016-kii, iyadoo kasoo dhacday 70.2 boqolkiiba oo ay ahayd 2006-dii.

Tillaabadan ayaa haddii ay hirgasho aad u anfici doonta dad ay Soomaalidu ka mid tahay.

Hadalsame Media