(Ankara) 21 Dis 2019 – Dalka Turkey ayay u rumoobi rabtaa riyo qaran oo ah inay soo saaraan gaari ay iyagu sameeyeen, taasoo iminka horumar ka sameeyeen.
Gaarigan ayaa haatan ka gudbey wejigii naqshadaynta, waxaana socota farsamaynta moodalkii tijaabada ahaa ee koowaad.
Waxaa lagu wadaa in Jimcaha 27-ka Diseembar degmada Gebze ee gobolka Kocaeli lagu soo bandhigo moodal gaari noocii abid ugu horreeyay ee “made-in Turkey” ah.
Waxaa lagu wadaa inuu munaadabaddaa taariikhiga ah joogo MW Recep Tayyip Erdoğan, kaasoo arrintan warfidiyeenka kula wadaagey magaalada Kuala Lumpur oo uu shir uga qayb gelayo.
Wasiirka Wershadaha iyo Tiknolojiyadda, Mustafa Varank ayaa isna soo bandhigay sawirka laba moodal oo ah gawaarida C-SUV ee gebi ahaanba korontada ku shaqeeya, wuxuuna qorshuhu yahay in wax soo saarista gawaarida badan la bilaabo 2021.
Hadalsame Media