Itoobiya oo cirka u dirtay dayax-gacmeedkii ugu horreeyay (Xarun satellite-yada lagu sameeyo oo loo dhisayo)

0

 

Warqaadka China Daily ayaa werinaya, “in Itoobiya ay dirtay Satellite-1, ama ETRSS-1, kaasoo laga ganay rugta dayax-gacmeedyada laga gano ee Taiyuan Satellite Launch Center oo ku taalla gobolka woqooyiga Shiinaha ee Shanxi.”

Dayax-gacmeedkan oo ay wada dhiseen saynisyahanno Ethiopian iyo Chinese ayuu cufkiisu yahay 70 kg, waxaana ka qayb qaatay ilaa 21 saynisyahan oo Itoobiyaan ah oo ay 5 gabdho yihiin iyo 60 iskugu jira aqoonyahanno PhD iyo Master haysta.

Waxaa mashruucan oo lagu khasiray 8 milyan oo doollar 75 boqolkiiba daboolay dalka Shiinaha.

Itoobiya ayaa sidoo kale 2020 bilaabaysa dhismaha xarun lagu dhiso satellite-yada taasoo uu hirgelinayo Faransiisku, isla markaana uu maalgelinayo Bankiga Horumarinta Midowga Yurub, waxayna noqonaysaa dalkii 3aad ee Afrikaan ah ee xaruntaa yeesha kaddib South Africa iyo Aljeeriya.

Hadalsame Media