(Muqdisho) 21 Dis 2019 – Wafdi ka socda guddiga gurmadka fatahaadaha Soomaaliland ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana garoonka kusoo dhaweeyay Wasiiro iyo xillibaano ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddiga ayaa keenay Lacag cadadkeedu yahay 600,000 $ lix boqol oo kun oo dollar si loogu caawiyo dadka la dhibaateysan saameynta fatahaadda.
Wefdigan ayaa lagu wadaa inay muddo ku sugnaadaan magaalada Muqdisho.
Hadalsame Media