
(Kuala Lampur) 21 Dis 2019 – Dalalka Iiraan, Malaysia, Turkey iyo Qatar ayaa ka fikiraya in ay wax ku iibsadaan dahab si ay meesha uga saaraan in cunaqabatayn la saaro, sida uu sheegay RW Malaysia ee Mahathir Mohamad.
Aragtidan ayaa waxaa u guuxey madax badan oo Islaam ah oo xaadir ku ahaa kulanka Kuala Lumpur, oo uu qaaddacay Saudi Arabia.
RW Mahatir oo shirka ka hadlayey ayaa sheegay in cunaqabataynta saaran dalalka qaarkood ee ay iska soo rogeen dalal gaar ihi, ay kuwa kalena soo wajihi karto.
“Waxaan soo jeediyay in aannu dib u eegno aragtida ah in aannu wax ku iibinno Diinaar Dahab ah,” ayay kasoo koobisey Reuters oo soo xiganeysey Mahathir oo warkiisa ula jeedey Diinaarkii ay Muslimku adeegsan jireen Casrigii dahabiga ee Islaamka.
Dalalkan sare ku xusan oo uu isku duwey MW Turkiga ayaa geed fadhi u ah baraarug cusub oo Islaami ah oo ku salaysan iskaashi dhaqaale, millateri, bulsho iwm.
Hadalsame Media