YAAB! Wasaarad ka mid ah Maraykanka oo diiwaan gashatay dal aan dunidaba ka jirin!

0

(Washington, DC) 20 Dis 2019 – Wakanda, oo ah dal mala awaal ah oo lagu soo qaatay  “Black Panther,” ayaa laga liis gareeyay Wasaaradda Beeraha Maraykanka, sida lagu shaaciyay NBC News.

Wakanka ayaa la xaqiijiyay inay u liis garaysnayd qaybta tarriifooyinka ee Wasaaraddaasi (USDA), tan iyo GALABNIMADII Arbacadii.

USDA ayaa u sheegtay NBC in Wakanda meesha loo geliyay qaab tijaabo ah, balse markii dambe la illaawey in laga saaro.

Yeelkeede, xogaha ka muuqdey waxyaabaha laga helo dalka mala awaalka ah ee Wakanda ayaa iskugu jirey khudaar, bun, saliidaha asaasiga ah iyo xoolaha nool.

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa lo’da iyo chestnuts la qaboojiyey oo loo liis gareeyay badeecooyinka aan tarriifooyinku saarnayn ee laga soo dhoofiyo Wakanda.

Hadalsame Media