(Hadalsame) 20 Dis 2019 – Waxaa baraha bulshada gaar ahaan qaybta Facebook ka socoto sheeko ay dadwaynuhu la yaabban yihiin oo ay iskugu jawaabayaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka dhexe ee dalka.
Dooddan oo u muuqata mid reeraysan oo nasiib darro ah ayaa waxay ka bilaabatay markii uu MW KGS sheegay inay jiraan Xildhibaanno uu sheegay inay ka hadlaan oo aad u buun buuniyaan tacaddiyo ka dhacay gobolka KG, balse ka aamusay midkii ka dhacay degaan doorashada ay kasoo bexeen.
Markii ay halkaa joogto ayaa waxaa bilaabatay doodo laba safle ah oo ay iskugu jawaabayaan xildhibaanno kala geddisan oo ay ugu horreeyaan Mahad Salaad, Fitaax Geeseey, Aadam Isaaq, Xaniifa Xaabsade, Warsame iyo qaar kale.
Arrintan ayay dadka waxgaradka ihi ku tilmaameen mid muujinaysa bisayl la’aan iyo inaysan xildhibaannadu garan karin in mas’uuliyadda saarani ay tahay mid wadareed oo heer qaran ah, balse aan loosoo dooran inay qaab reeraysan si weliba shaac ah ugu fadhi ku diriraan.
Baarlamanka Dhexe oo lagu tilmaamay hay’adda ugu nidaamka liidata hay’aadka DF ayaa lagu boorriyay in hab-raac iyo xakamayn loo sameeyo Xildhibaannada, maadaama ay doodaha noocan ihi umadda sii qaybinayaan, isla markaana aan loo baahnayn inuu ku lug yeesho qof Xildhibaan qaran ah, iyagoo xusuusiyay in meel hebla ayaa lagaa soo doortay aysan ka dhignayn inaad beel ama gobol gaar ah difaacdo, balse uu Xildhibaanku yahay mid wada metela qaranka.
Hadalsame Media