(Riyaad) 20 Dis 2019 – Weriye caan ah oo Sucuudiyaan ah oo si furan ugu ololeeya in uu Sucuudigu xiriir la yeesho Israel ayaa lagala noqday dhalashadii dalkaasi.
Abdul Hameed Al-Ghabin ayaa Twitter-ka ku xaqiijiyay in dowladda Sucuudigu ay sidaa yeeshay, balse aanu sababta aqoonin.
Weriyahan ayaa horay warqaad Yuhuuddu leedahay ugu qoray amaan ka bad badis ah oo uu kala dul dhacay hoggaamiyaha xag-jirka ah ee Benjamin Netanyahu.
Bishii Agoosto, wuxuu bog dhan ku qoray wargayska kasoo baxa Israel ee Hayom halkaasoo uu ku weeraray dalka Urdun oo uu ku tilmaamay “mid nabad diid ah” isagoo sheegay in Sucuudigu uu Israel u arko ”saaxiib waaqici ah” mustaqbalka.
Wuxuu isagoo Israel isku nab-nabaya sidoo kale sheegay inay ”cadow wadareed wada leeyihiin” Saudi Arabia iyo Israel, kaasoo ah Iiraan, Akhwaanul Muslimiin, Al Qaacida iyo wax uu ku sheegay ”madaxda qar iska tuurka ah ee gobolka.”
Ninkan Al-Ghabin ayaa sidoo kale reer Falastiin usoo jeediyay inay dhulalkooda uga tagaan Israel ee ay u guuraan dalka Urdun oo uu ku tilmaamay, meel ay 78% “dadkeedu Falastiin yihiin”, taasoo raacsan aragti ay 1980-kii la timid Israel.
Urdun ayaa muddo gaaban lagu soo daray Falastiin 1920-kii, balse markiiba waa laga saaray, iyadoo noqotay maxmiyad gaar ah oo iskeed u hoos tagta Britain, markii dambena iskeed xornimo u qaadatay.
Ninkan ayaa tweet uu bishii 21-kii Nofeemba oo buraanbur miiran ahaa ku yiri sidatan:
“Netanyahu, Ilaahay haku xafido. Waxaad daacad u ahayd dadkaaga, waxaad ahayd geesi go’aan leh. Muddo dheer ayayna dadka Israel ku qaadanaysaa inay soo saaraan mid adigoo kale ah. In dadka waawayn lagaa sharfo baad istaahishaa, waayo waxaad Israel ka dhigtay dal laga soo dhoweeyo gobolka Carabta ,”
#نتنياهو الله يحفظك ويستر عليك.. كنت مخلص وأمين لدولة وشعب #إسرائيل ..
كنت صاحب قرار وشجاع.
يحتاج المجتمع الإسرائيلي وقت طويل حتى ينجب شخص مثلك .. تستحق أن تكرم مع العظماء فقد جعلت إسرائيل دولة مرحب بها في الإقليم العربي .. أن وجودك يعني الكثير
اكن لك كل الاحترام والتقدير ..? pic.twitter.com/ywBFVHlVIc— #عبدالحميد الغبين (@Abdullhameeds) November 21, 2019
Hadalsame Media