(Hague) 20 Dis 2019 – Waxaa baaritaan buuxa lagu samaynayaa dembiyada dagaal ee ay Israel kula kacday shacabka bilaa daafaca ah ee reer Falastiin taasoo ay bilaabayso Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ICC.
Dacwad ooge Fatou Bensouda ayaa sheegtay in sidoo kale eedo lagu oogi doono Falastiin, balse Israel ayaa arrintan aad uga carootey.
“Waxaan ku qancay inay jiraan dembiyo dagaal oo laga gaystey ama laga gaysanayo Daanta Galbeed, Marinka Gaza iyo Bariga Quddus,” ayay tiri goor dhow.
Bensouda ayaa sheegtay in ay arrintan codsadeen maamullada reer Falastiin, sidaa darteed, dacwadda la furi doono, balse waxay sheegtay in Guddi garsoor ay go’aan ka gaarayaan goobaha juqraafi ahaan ay dacwaddani khusayn doonto.
RW Yuhuudda ee Benjamin Netanyahu ayaa isagoo go’aankan ka jawaabaya ku tilmaamay ”mid laab la kac ah,” maadaama buu yiri aanay Israel xubin ka ahayn Maxkamadda ICC, sidaa darteed, aanay wax dacwad ah kusoo oogi karin.
Hadalsame Media