Sucuudiga & Imaaraadka oo dhabar jebin cad ku sameeyay shir ay dalalka Muslimku ku leeyihiin Malaysia (Tillaabada ay qaadeen)

0

(Islamabad) 19 Dis 2019 – Dalka Pakistan ayaa iskaga baxay shir caalami ah oo ay dalalka Islaamku ku yeelanayaan dalka Malaysia isagoo ku dooday inuu ka walaacsan yahay inay arrintani “qaybin karto” dunida Muslimka, sida uu yiri Wasiir Dibadeed Shah Mahmood Qureshi.

Tillaabadan ayaa la fahamsan yahay inay Pakistan ku cadaadiyeen dalalka Saudi Arabia iyo Imaaraadka (UAE), kuwaasoo muujiyay inaysan ku faraxsanayn inay Islamabad ku biirto shirkan oo uu garwadeen ka yahay RW Malaysia ee Mahathir Mohamad laguna qabanayo Kuala Lumpur.

Qurayshi oo warbaahinta la hadlayay ayaa xaqiijiyay in isaga walaa Raysal Wasaaraha dalkiisa Imran Khan aysan shirkaa aadi doonin.

Shirkan oo 4 cisho ka soconaya Kuala Lumpur ayaa bilaabmaya maanta oo Khamiis ah, waxaana kasoo qayb gelaya aqoonyahanno ka socda dunida Muslimka oo isla eegaya “sidii ay dunida Muslimku ay si midaysan ugu wajihi lahayd arrimaha ka taagan dhulalkooda” iyo in la iska bahaysto iskaashiga dhaqaale, amaan, farsamo, bulsho iwm.

Wasiir Qurayshi ayaa Islamabad ka sheegay inuu Sucuudigu u muujiyay inuu shirkani dhabar jebin karo midka xubnaha OIC oo ay ku jiraan 57-dal, kaasoo ah urur iska fadhi ku dirir ah oo saldhigta caasimadda Sucuudiga ee Riyaad.

Ka bixintaanka Pakistan ayaa timid maalmo uun kaddib markii uu RW Khan Riyaad booqday isagoo halkaa kula shiray dhaxal suge Mohammed bin Salman (MBS) oo ay arrimo badan isla soo qaadeen.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb gelaya dalal badan sida Turkiga, Iiraan, Qadar iyo qaar kale oo qorshe cusub wada.

Malaysia ayaa si kastaba dafirtay in shirkani uu kasoo horjeedo OIC.

Dalal badan oo Khaliijka ku yaalla ayaa marar badan dhaqan geliya siyaasado lagu dhabar jebinayo dunida Muslimka.

Hadalsame Media