(Hasankeyf) 19 Dis 2019 – Dib u meelaynta masjid taariikhi ah oo ku yaalla gobolka Koonfur Bari ee Turkiga ee Batman ayaa dalkaasi ka bilaabatay.
Masjidkan oo jirey 609-sanadood ayaa noqonaya sheeygii ugu dambeeyay ee taariikhi ah ee laga raro magaaladaasi, si looga gaashaanto daadad kusoo fool leh.
Masjidkan Er-Rızk Mosque ayaa laga rarayaa magaalada qadiimiga ah ee Hasankeyf — taasoo si macmal ah daadad loogu fatihi doono kuwaasoo ka imanaya biya xireen laga dhisayo Ilısu oo u dhow — iyadoo la gaynayo goobta Hasankeyf Culture Park oo biyaha ka sarreeysa.
Masjidkan oo uu cufkiisu yahay 1,700-tan ama megeg, ayaa dhulka laga rujiyay iyadoo lagu jiidey Modular Transporter (MT), iyadoo la geeyay meel u dhow webiga Dajla (Tigris) oo u dhow.
Hadalsame Media