Garoonka Istaadiyo Muqdisho oo fasax ka sugaya FIFA (Goorta la furayo)

0

(Muqdisho) 19 Dis 2019 – Gegada Mogadishu Stadium ee iminka dayactirka lagu wado, balse ay Agoosto 2018 ka guureen ciidamada AMISOM ayaa lagu dhawaaqay waqtiga uu howlgeli doono.

Wasiirka Ciyaaraha DF Somalia, Khadiija Diiriye ayaa ku dhawaaqday in albaabada loo balliqi doono horraanta sanadka xiga ee 2020 oo dhowaan bilaabmaya.

Garoonkan oo qaada 65,000-fadhi ayaa haatan dayactirkiisu gebo gebo ku dhow yahay, waxaana lagu wadaa in la dhigo cowska macmalka ah, kaddibna ay furistiisa fasaxdo FIFA, iyadoo fasaxaasi la sugayo.

Garoonkan oo ah midka Somalia oo idil ugu wayn, kana mid ahaa kuwa Afrika ugu waawayn xilligii la dhisayay 1978-kii, ayaa lagu dhisay deeq ay Somalia siisay dowladda Shiinuhu.

Hadalsame Media