Aqoonyahanno soo jeediyay talo ay Somalia kula tartami karto qaaradda Afrika

0

(Jabuuti) 19 Dis 2019 – Xirfadleeyda iyo aqoonyahannada Somalia ee ku kulmay dalka Djibouti oo lagu qabtay shir sanadeedka Madasha Aaraa Isdhaafsiga ayaa ku baaqay in la maalgeliyo hal meel oo muhim ah.

Waxay ku baaqeen in aad loo maalgeliyo waxbarashada, raasumaalka iyo mugga insaanka si ay Soomaalidu awood ugu yeeshaan inay la wareegaan mas’uuliyadda dib u dhiska dalka isla markaana ay ugu tartamaan fursadaha qaaradda Afrika.

War Murtiyeed kasoo baxay Madasha ayaa lagu sheegay inay iminka aad u yar tahay qorshayaasha lagu kobcinayo waxbarashada dalka Somalia, taasoo meesha ka saartay inay da’yartu helaan fursado ku filan oo ay ku kobciyaan garaadkooda aqooneed, mug iyo farsamo.

“Sida ku cad daraasaadka aannu samaynay iyo doodihii lagu soo bandhigay Madasha, waa daruuri in la kordhiyo mugga raasumaalka dadeed ee dalka Somalia, si loola jaan qaado dadyowga Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda,” ayay u akhrismaysaa qayb ka mid ah warbixintu.

Waxay madaxda dalka ugu baaqeen inay muhiimad wayn siiyaan sidii lagu ballaarin lahaa fursadaha iyo tayada waxbarasho ee dalka, si da’yarta loo dhiso.

Waxaa lasoo jeediyay in arrintaa lagu dhaqaaqo isla sanadka curanaya ee 2020 oo loo bixiyo ”sanadkii aqoonta”, waxay kaloo soo jeediyeen in sidoo kale la maalgeliyo caafimaadka iyo adeegyada kale ee bulshada.

Hadalsame Media