(Nairobi) 18 Dis 2019 – Madaxwaynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi ayaa ku dardaarmay in William Ruto oo haatan ah Madaxwayne Xigeenka dalkaasi uusan soo istaagi karin qabrigiisa.
Moi ayaa warkan shalay galab 3.17 daqiiqo ka sheegay sariirta uu ku xanuunsanayo oo ay ku dawaynayaan dhakhaatiir u dhalay min Israel ilaa Serbia.
Warkan ayaa la sheegay inuu Moi gudbiyay mar qolka ICU-ga loola cararay iyadoo la moodayay in uu dhimanayo, wuxuuna warka ku siraystay wiilkiisa Gideon Moi oo sidoo kale ah Guddoonka KANU, kaaliyihiisa gaarka ah iyo senetarka Baringo.
Waxaa la fahamsan yahay inay labada dhinac isku hayaan min siyaasad ilaa dhulal, iyadoo uu Ruto oo ay isku qoowmiyad yihiin Moi – Kalanjin – uu ilaa haatan maabka siyaasadda Kenya ka saaray qoyskan Kenya soo xukumay waqtigii ugu dheeraa.
Waxaa kale oo la sheegay in Moi uu doonayo inuu wiilkiisu u tartamo Madaxtinnimada Kenya 2022, balse waxaa kale oo jira warar sheegaya heshiis akhyaareed u dhexeeya Raila Odinga iyo Ahuru Kenyatta, kaasoo meesha ka wada saaraysa Ruto iyo Gideon.
Hadalsame Media