(Muqdisho) 18 Dis 2019 – Ciidanka Ilaalada Xabsiyada ee Asluubta ayaa war ay soo saareen ku sheegay in shaqo ka fariisin lagu sameeyay taliyaha loo haysto inuu sabab u ahaa geerida Marxuum Xasan Kurtun Calasoow.
Nin u hadlay Taliska Ciidamada Asluubta ayaa sheegay inay ka xun yihiin geerida marxuumka oo dhacday Isniintii 16-kii bishan.
Ninkan Asluubta u hadlay oo hadallo badan oo aan daruuri u ahayn doodda taagan shirka jaraa’id ka sheegay ayaa sheegay in sarkaalkii amarka bixiyay lagu sameeyay shaqo joojin oo ah Taliyaha Xabsiga Dhexe.
Wuxuu ninka hadlay sheegay in la saaray guddi baaris ku sameeya waxa dhacay oo uu hoggaaminayo Jen. Xasan Cumar Afrax.
Dadka ayaa aad uga xumaaday falkan waxayna isha ku hayaan waxa laga qabto.
Hadalsame Media