Serie A oo raalli gelin ka bixiyay sawir daanyeer oo ay sheegeen inay kula dagaallamayaan cunsuriyad

0

(Roma) 17 Dis 2019 – Agaasimaha Serie A ee Luigi De Siervo ayaa raalli gelin ka bixiyay cambaarayn ba’an oo ay kala kulmeen tillaabo ay ku sheegeen la dagaallan cunsuriyadeed oo lafteedii cunsuriyad noqontay.

Lega Serie A ayaa doonaysay inay bilowdo qorshe lagula dagaallamayo cunsuriyadda, taasoo ahayd in weji daanyeer lagu bedelo barta lagu qoro loogada Serie A.

Waxay arrintu kasii dartay markii uu tillaabadan difaacey farshaxankii sameeyay ee Simone Fugazzotto kaasoo la hadlay Football Italia, balse De Siervo ayaa haatan aqbalay inay arrintaasi dhadhan xumo keentay.

“Waxaan raalli gelinayaa qof kasta oo arrintani u geftey, gaar ahaan farshaxanka uu sameeyay Simone Fugazzotto bishii Maajo, taasoo loogu tala galay dhamaadkii Coppa Italia Final,” ayuu ku yiri saxaafadda.

Talyaaniga iyo dalal kale oo Yurub ayay horyaallada fara ba’an ku hayaan dhaqamo cunsuriyadeed oo isa soo taraya.

Hadalsame Media