(Muqdisho) 17 Dis 2019 – DF Somalia ayaa qarka u saaran inay bilowdo bixinta shatiyada shidaal qodista, taasoo wax wayn ka bedeli doonta dakhliga maxalliga ah ee dalkaasi.
Waxaa haatan la caddeeyay natiijada baaristii dhuleed ee la sameeyay — iyadoo ay soo baxayaan tafaasiil dheeraad ah oo bishii Nofeembar lagu sheegay Africa Oil Week, taasoo soo jiidatey shirkado badan.
Qiimaynta lagu sameeyay qaar ka tirsan baloogyada saliideed ee xeebaha Somalia oo gaaraya ilaa 15 ayaa muujinaya inay ku jiraan ilaa 30 bilyan oo fuusto, taasoo farsamo ahaan iyo amaan ahaan lasoo saari karo.
Karyna Rodriguez, MW Xigeenka shirkadda Culuunta Dhuleed ee TGS ayaa sheegtay in inay aragto in xeebaha Somalia uu runtii shidaal badani ceegaago.
“Waxa ugu badan ee aannu aragno waa saliid. Waxaan Wasaaradda DF la qabaa inaysan Gaas ahayn, waayo dhagxaanta isha ihi aad uma aasna si gaas looga helo.” ayay tiri Karyna.
Somalia ayaa la xaqiijiyay in haddii ay shidaalkan soo saarato oo si wanaagsan loo maareeyo ay furka faqriga tuurayso.
Si kastaba, Somalia ayaa dhulka u taalla ama u qalan isla Soomaalida oo marti u noqday hoggaan iyo han xumo siyaasadeed, iyadoo loo kala adeegsado sidii ay u fashili lahaayeen danaha qarankooda, halka ay dadku iska eedeeyaan faragelinta shisheeye, iyagoo aan eegin cidda ay shisheeyuhu adeegsanayaan inay Soomaalida uun yihiin.
Hadalsame Media