Qadar oo sheegtay inaysan abid ilaawi doonin abaalka ay u galeen dalal ay Somalia ku jirto (Dalab Turkiga ku saabsan oo ay Sucuudi ka diiddey & wada hadallo socda)

0

(Dooxa) 17 Dis 2019 – Wasiir Dibadeedka Qadar ayaa sheegay in ay dhowaantan kala aamuskii ka bexeen oo ay wada hadallo la fureen Sucuudiga Carbeed, balse wuxuu sheegay inaysan marna ogolaanaynin inay dhabarka u jeediyaan Turkiga.

Muranka labada dhinac oo haatan ku sii dhowaanaya 2 sanadood, ayay dalalka Sucuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxrayn ku go’doomiyeen Qadar, iyagoo dalal badan ka rajaynayay inay sidaa ku raacaan, balse waxaa diidey dalal badan oo ay Somalia ku jirto.

“Waannu jebiney aamuskii dhanka xiririka, waxaana bilownay in aannu wada xiriirno Sucuudiga,” ayuu Sheikh Mohammed bin Abdulrahman al-Thani u sheegay CNN.

Dalalka go’doominta fashilantay wada ayaa dalbanaya 13 qodob oo ay ku jiraan in la xiro hilinka Al Jazeera, saldhigga Turkiga, in hoos loo dhigo xiriirka Iiraan iyo in cilaaqaadka loo jaro Ikhwaanul Muslimiinta, eedda dambe waa beenisey Qadar, sida uu yiri isla Sheikh Mohammed, oo Oktoobar booqday Sucuudiga.

“Dal kasta oo isu kaaya furay nana caawiyay xilligii xasaradda, abaal wayn baannu u hayn doonnaa … Marnana dhabarka uma jeedin doonno dalalkaasi,” ayuu yiri Sheekh Muxamed.

Waxaa dabcan dalalkaa ka mid ah Somalia oo ay Qatar Airways haatan hawadeeda dul marto marka ay u socoto Bariga, Bartamaha, Galbeedka iyo Koonfurta Afrika.

Turkiga ayaa isagu halkaa u diray ciidamo, agab ciidan, cunto iyo biyo, maadaama ay wax kastaahi kala go’een maalmihii hore, balse markii dambe xaalku waa caadiyoobey.

Hadalsame Media