Islamabad) 17 Dis 2019 – Maxkamad gaar ah oo Pakistan ku taalla ayaa toogasho ku xukuntay MW hore ee dalkaasi Md Pervez Musharraf iyadoo ku eedaysay “khiyaano qaran.”
“Pervez Musharraf waxaa lagu helay inuu ku xad gudbey Xeerka 6-aad ee Dastuurka dhexe ee Pakistan,” ayuu yiri sharci yaqaan dowladda u hadlay Salman Nadeem oo la hadlay Reuters.
Musharraf ayaa loo haystaa falal uu ku dhaqaaqay 3-dii Nofeembar, 2007-dii, goortaasoo uu 76-jirkani xannibay Dastuurka, soo rogey xaalad deg deg ah, isla markaana uu xirey garsoorayaal iyo siyaasiyiin mucaarad ah.
Xasaraddu waxay soo bilaabatey markii uu bishii Maarso 2007-dii uu holliyey inuu xilka ka xayuubiyo Xeer Ilaaliyaha Guud Iftikhar Muhammad Chaudhry, taasoo ahayd tillaabo ay sharci darro ku tilmaantay Maxkamadda Sare isla markaana ay ka dhasheen dibed baxyo ballaarani.
Musharraf oo 1943-kii 4 sano kahor kala qaynintii Hindiya iyo Pakistan ku dhashay New Delhi, ayaa xukunka dalkiisa boobay 1999-kii isagoo xilka xoog ku haystey muddo 9 sanadood ah.
Hadalsame Media