
(Ankara) 11 Dis 2019 – Turkiga ayaa ka baaraandegi doona inuu dalkiisa ka cayriyo ciidamo Maraykan ah oo ku sugan saldhigga cireed ee Incirlik Air Base haddii ay Washington cunaqabatayn kusoo rogto Ankara, sida uu maanta sheegay Wasiir Dibadeed Mevlüt Çavuşoğlu.
Wasiirka oo waraysi siiyay A Haber News, wuxuu Çavuşoğlu tusmeeyay in Turkey ay eegi doonto dookh kasta oo ay haysato haddii lagu cunaqabateeyo soo iibsiga gantaalaha Ruush sameega ah ee S-400.
Wuxuu sheegay in S-400 aysan weerar ahayn, balse ay yihiin hannaan daafac, Çavuşoğlu ayaa sheegay in Ruushka ay kasoo iibsanayaan miigag casri ah, haddii uu Maraykanku diido inuu ka iibiyo kuwa F-35.
Turkiga ayaa markii loo diidey iibsiga gantaalaha Patriots, u bayray dhanka kuwa S-400 kaasoo qayb ka ah heshiis ku kacaya $2.5-bilyan oo ay kala saxiixdeen bishii Diseembar 2017-kii.
Heshiiska ayaa xiisad ka dhex dhaliyay Ankara iyo Washington, waxaana Turkiga laga tuuray barnaamijka dayuuradaha raadaarka ka dhuunta ee F-35 oo uu wax kasoo saaro oo iibsado.
Washington ayaa ku doodaysa in S-400 uusan la shaqayn karin hannaanada NATO, isla markaana uu keeni karo inuu Ruushku uu qaab khiyaano ah u ogaado siraha F-35 maadaama uu leeyahay raadaarka la socda gantaalahan oo heli kara xogahaasi. Weli lama shidin raadaarradaasi.
Hadalsame Media