DAAWO: ”Lama heli doono jiil bedela kuwa hadda jooga!” – Maraykanka oo ilmo yari ka sheegtay!

0

(New York, NY) 10 Dis 2019 – Heerka dhalmada ee dalka Maraykanka ayaa hoos u dhacday 2018-kii, iyadoo gaartey halkii ugu hooseeysey muddo 30 sanadood ah, sida ku cad daraasad ay samaysay Waaxda Xakamaynta & Ka hortagga Cudurrada, gaar ahaan qaybta Tirakoobka Caafimaadka.

Warbixinta ay hay’addani soo bandhigtay ayaa waxaa ku cad in 3,791,712 oo dhalasho la diiwaan geliyay 2018-kii, taasoo 2% ka yar tii 2017-kii.

Halka celceliska ay haweenay kasta dhashay ay guud ahaan maraysey 1,729.5 dhalasho 1,000-kii haween ahba, gaar ahaan da’da u dhaxaysa 15 ilaa 44 jir, 2018-kii.

Warbixinta ayaa sheegtay in loo baahnaa 2,100 oo dhalasho 1,000-kii haween ahba, si loo helo tiro beddeli karta dadka hadda jooga.

Taasi waxay ka dhigan tahay in haweenay kasta lagaga baahan yahay inay dhasho ugu yaraan 2 carruur ah, si ay u bedelaan jiilka hadda jooga.

Arrimahan ayaa guud ahaan fara ba’an ku haya dalalka Galbeedka, waxaana qayb ahaan ugu wacan dadka oo raaca hab-nololeedyo gaar ah (individualistic lifestayle) oo aan muhiimad wayn siinaynin qoyska iyo nolol wadareedka.

Hadalsame Media