Ronaldo oo gacan ka gaystey inay Juventus hoggaanka lumiso (Daawo waxa uu sameeyay)

0

(Torino) 04 Dis 2019 – JUVENTUS ayaa todobaadkan lumisay hoggaanka Serie A kaddib markii ay Axaddii 2-2 la galeen kooxda Sassuolo, balse  Cristiano Ronaldo ayaa sameeyay arrin aan la mahadin.

Jookarka reer Portuguese ayaa marka laga reebo inuu ku eedaysnaa fursado khasaarin maadaama uu sameeyay 9 shuut oo uusan midna ka dhalin, waxaa ugu daran inuu difaacey kuwa saaxiibadii.

Midka ugu darani waa midkii uu ku xirey shuudkii Paulo Dybala’s shot oo keeni lahaa inay Juventus ciyaarta ku badiso.

 Ronaldo failed to score in November and relied on a penalty to register vs Sassuolo
Ronaldo wax gool ah ma dhalin Nofeembar oo idil, isagoo Sassuolo ka dhaliyay rigoore.

Gonzalo Higuain ayaa geesta lasoo galay kubad uu kaddib baas qurux badan ka siiyay Dybala oo isna inta si qurux badan u qaatay gees ka dhigay qabtaha yar ee Sassuolo, balse Ronie ayaa isku hor gooyay oo baloogay.

Waxaa la arkayay Dybala oo xanaaq dhulka la jiifa.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media