(New York, NY) 04 Dis 2019 – Barnaamijka maadda ah ee Daily Show oo uu daadihiyo Trevor Noah ayaa lagu soo qaatay sida uu u xumaaday barnaamijka Magan gelyo doonka Maraykanka oo kasii daray tan iyo markii uu dalkaa xukunkiisa qabtay Donald Trump.
Barnaamijka ayaa isku dayay inuu dadka u fasiro qarada xumaanta hannaankaasi, wuxuuna tusaale usoo qaatay Soomaaliya, gaar ahaan burcad badeedda.
”Hadda burcad badeeddu waxay leeyihiin; i eeg, anigaa kaa bini aadmisane.” ayuu ku kaftamay Trevor Noah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika.
Nin kale ayaa isna Twitter kusoo qoray qoraal uu burcad badeedda Soomaalida ku waydiisanayo caday iyo saabuun. Jees jees.
Dulucda sheekadu waxay tahay in Soomaalida loo sawirayo dad ka xun wax kasta oo xun, oo lagu xuuxiyo ciddii ka dhacda heerkii la rabey in wax loo maareeyo (ideal).
Halkan hoose ka daawo…
Hadalsame Media